Axmed Madoobe 2 dardaaran u jeediyey Xildhibaanadii lagu doortay Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay xubnaha xildhibaanada golaha shacabka ee maanta lagu doortay Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa u hambalyeeyey Xildhibaanadan la doortay ee kamid noqonaya golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS.

Waxaa Madaxweynahu uu kula dardaarmay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga shaqeeyn lahaa samatabixinta dalka.

Doorashada maanta oo aheyd tii ugu horeysay golaha shacabka ee lagu qabto magaalada Kismaayo ayaa xildhibaanada ku soo baxay waxay iskugu jiraan kuwo cusub iyo qaar horey kuraasta ugu fadhiyey.

Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo ayaa kala ah:- Hamse Cabdi Barre, Cabdirashiid Jire Qalinle, Xasan Cabdi Ismaaciil, Maxamed Cali Cumar, Maryan Aweys Jaamac, iyo Sahra Jaamac Cali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -