(Akhriso) Qodobada lagu heshiiyey shirkii Afisiyooni & kuwa lagu kala booday

Waxaa maanta guuldaro ku dhamaaday shirkii hordhaca ahaa ee Madaxda DF iyo dowlad goboleedyada mudada saddexda cisho ah uga socday magaalada Muqdisho kaasoo looga hadlayey ajendaha shirka soo socda ee looga hadlayo shirka doorashooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Cusmaan Dubbe ayaa ku eedeeyey madaxda Jubbaland iyo Puntland iney ka dambeeyeen fashilka shirka aysana rabin in dalku doorasho aado.

Hase ahaatee Wasiiro ka tirsan labada maamul ee Jubbaland oo shir jaraaid qabtay ayaa beeniyey hadalka Wasiir Dubbe, iyagoo sheegay ineysan  ogeyn shir fashilmay, laguna balansanaa in la isku soo laabto, iyagoo xusay in madaxda DF ay si ula kac ah u doonayaan in shirku fashilmo si muddo kororsi ay u sameystaan.

Haddaba waxaan idin soo gudbinaynaa qodobada lagu heshiyey iyo kuwa sababay ismari-waaga ee sababay inuu fashilmo shirka, waxaana qodobada la isla ogolaaday ka mid ah

1-Beesha caalamku iney damiin ka noqoto heshiiska fulintiisana ay damaand qaado

2-In Guddiga doorashada heer federaal la beddelo.

3-In furitaanka shirka laga qeyb geliyo saamileyda siyaasadda sida Madaxweynayaashii hore Guddoomiyeyaasha labada aqal ayna jeediyaan tabashada ay qabaan, iyagoo aan door ku yeelan doonin saxiixa heshiiska.

Qodobada fashiliyey shirka ee la isla fahmi waayay waxaa ka mid ah:

1- Farmaajo oo ku adkeystay in Gedo loo dhiso maamul Goboleed aysan qeyb ka noqon doorashada Jubbaland, iyadoo qodobkan uu ahaa mid saaka uu soo kordhiyay Madaxweynaha

2- In amniga doorashada cidda qaadaneysa laga wadahadlo, Jubaland iyo Puntland waxay soo jeediyeen in Xukuumadda loo dhiibo, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday inuu awoodda amni ee doorashada lagu wareejiyo xukuumada balse waxaa uu ka hor yimid inuu wareejiyo awooda taliska guud ee ciidamada.

Xaaladan ayaa laga cabsi qabaa iney sii kala fogeyso madaxda Sooomaalida iyo xalka doorashada, lamana oga waxa xigi doona iyo halka looga dhaqaaqi doono marxaladan ismari-waaga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -