Qarax ay dad badan ku dhinteen oo maalintii labaad ka dhacay degmada Wanlaweyn

Ugu yaraan toddobo askari ayaa ku dhintay 2 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay degmada Wanle-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa ahaa mid la dhigay waddada dhinaceeda, kaddibna wuxuu haleelay gaari kuwa ciidanka ah oo marayay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Cali Nuur Maxamed.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay meel 8-Km degmada Wanlaweyn ka xigta wadada u baxda degmada Afgooye.

Gaariga uu qaraxa qabsaday ayaa waxa uu ka soo baxay saldhiga ciidanka Kummaandoska ay ku leeyihiin degaanka Balidoogle, wuxuuna ku soo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dadka dhintay ayuu Guddoomiye kuxigeenku sheegay inuu ku jiro Taliye Horin oo Guutada 6-aad Taliye ka ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Maxamed Cadow.

Ciidanka dowladda ayaa gurmad ahaan u tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana howlgal ay sameeyeen ku soo qabteen Hal ruux oo tuhun ah, kaasi oo ay baaritaano ku socdaan.

Qaraxan ayaa ku soo aadayaa maalin ka dib markii nin soo xirtay walxaha qarxa uu isku qarxiyay suuqa qaadka ee Wanlaweyn, halkaasoo uu ku dilay 12 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -