Wasiiro ka tirsan Puntland & Jubbaland oo beeniyey inuu fashilmay shirkii Afisiyooni

Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Jubaland, oo si wadajir ah shir jaraaid ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa jawaab ka bixiyay war ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegayey inuu fashilmay shirkii Muqdisho ka socday saddexda cisho.

Shirkan oo ahaa mid hordhac ah ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda DF iyo shanta dowlad goboleed ayaa waxaa looga hadlay ajendaha shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Labada Maamul Puntland iyo Jubaland ayaa beeniyeen eedaynta dowladda Federaalka oo la xariirtay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay diideen in dalku doorasho aado, isla markaana ay fashiliyeen shirkii Muqdisho.

Wasiirada labada dowlad goboleed, waxay sheegeen in uusan fashilmin shirka, balse madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu awoodda ku wareejiyo RW, maadaama mudda-xileedkiisu dhammaaday.

Waa boor isku-qaris hadalka wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe oo sheegay in Puntland iyo Jubaland fashiliyeen Shirka, anagu waxaan ognahay in shirku socday, waxaana ku kala tagnay inaan wada tashi iskugu laabano balse markii aan soo baxnay waxaan maqalnay wasiir Dubbe oo leh shirkii waa fashilmay, taasoo la yaab nagu noqotay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -