Axmed Madoobe oo awood iyo Xeylad u adeegsanaya in mar kale noqdo Madaxweyne

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in dhawaan ka dhacdo doorasho shaki badan la galinayo , waxaana doorashada u dhaxeysaa Axmed Madoobe iyo Musharaxiin kale oo is baheystay.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa mar kale doonaya in uu hogaanka maamulka Jubbaland qabto, waxa uuna Axmed Madoobe awood iyo xeyladba u adeegsanayaa sidii uu saaxada siyaasada ugu sii jiri lahaa.

Axmed Madoobe ayaa gacantiisa kusoo qoray guddiga doorashooyinka Jubbaland ee maamulaya doorashada dhaceysa, waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe u xil saaray in Xildhibaanada soo xulaan Odayaal isaga aad ugu dhaw dhaw.

Inta badan Xildhibaanada la filayo in ay kamid noqdaan Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa noqon doona kuwo ku imaanaya ogolaanshiyaha iyo xulista Sheekh Axmed Madoobe si ay u doortaan.

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa sidoo kale dhawaan soo saaray shuuro adag oo u muuqda kuwa loogu daneenayo Axmed Madoobe, waxaana shuruudaha qaar ku adkaan doontaa in ay ka gudbaan qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne.

Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa dib u doorashadiisa sidoo kale taageero uga helaya dowlada Kenya oo masaaliix badan ku heesata in Axmed Madoobe sii joogo magaalada  Kismaayo.

Hadii uusan isbadal imaan sida ay hada wax ku socdaan arintana sidaan kusii socoto  waxaa muuqaneysa in mar kale Axmed Madoobe noqonayo Madaxweynaha Jubbaland, waxa ayna arintaasi culees ku noqon doontaa dowlada federaalka.

Dowlada federaalka ayaa hada u muuqata mid aan door ku laheyn doorashada ka dhaceysa magaalada Kismaayo, waxaana laga cabsi qabaa in Axmed Madoobe diido in ay Kismaayo yimaadaan Masuuliyiin dowlada katirsan si doorashada goobjoog uga noqdaan.

Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Jubbaland ayaa awood badan ku leh Kismaayo, waxaana hadii uu mar kale saaxada siyaasada kusoo laabto Axmed Madoobe noqon doonaa ninka kaliya ee kasoo haray saaxiibadiis oo saaxada siyaasada kawada baxay.

Dad badan ayaa aaminsan hadii ay dowlada fedeeaalka taageerto musharaxiinta isbadal doonka Jubbaland kuna bixiso dhaqaale badan in suurto gal noqon karto in Axmed Madoobe meesha ka baxo sida ku dhacday Cabdiweli Gaas oo si lama filaan ah ku baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -