Xog dheeri ah oo laga helay sababihii horseeday fashilka Shirkii Afisiyooni

Waxaa guul darro kusoo dhamaaday shir mudda sedax maalin ah socday oo ujeedadiisu aheyd in looga heshiiyo ajandaha shirka weyn ee arrimaha doorashada, kadib markii shirka oo socda uu isaga tegay madaxweynaha sharciyaddu ka dhamaatay.

Madaxweynaha mudda xileedkiisu  dhamaaday uu la yimid shuruud cusub oo ah in gobalka Gedo laga dhigo maamul gobaleed lagu kordhiyo maamullada dalka ka jira hadda. Arrintaan ayaa dab kusii shideysa xaaladda cakirneyd ee doorashada. Gobalka Gedo sooma buuxi karo shuruudaha laga doonayo dhismaha maamul gobaleed oo ay ugu horreyso in maamulku uu ugu yaraan laba gobal ka koobnaado.

Madaxeynaha xafiiska fadhiya lixdanka maalin ee dheeraadka ka ah xilligii sharciga ahaa ee loo doortay, ayaa horay ugu eedeysnaa inuu shirkii Dhuusamameeb oo socda uu kasoo tegay kadib markii laga diiday in maamulka doorashada kuraasta taalla gobalka Gedo uu la haado maamulka Jubaland.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay sidoo kale in lacag ka badan hal milyan oo doolar uu ku bixiyay heshiis uu la galay wasiirkii amniga Jubaland ee baxsadka ahaa, Cabdirashiid Janan oo  loo heystay tacaddiyo ka dhan ah aadanaha.

Maamulka sharcigu ka dhamaaday ee Farmaajo oo gobalka Gedo ee reer tolkii degaan muhiimad gaar ah siinaya ayaa horay halkaaw ugu daabulay ciidamo tiro badan iyo hub xad dhaaf ah, taas oo loo macneeyay inay qeyb ka aheyd dadaallada Jubaland looga madax baneynayo.

- Advertisement -