Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSPUNTLAND

Wasiirka arrimaha dibeda & wafdi uu horkacayo oo gaaray Garoowe (Daawo Sawirro)

Wafdi uu horkacayo Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa galabta ka ambabaxay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho. iyagoo goor dhowna ka degay magaalada Garowe.

Waxaa halkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, iyagoo kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale, wafdigan ayaa la filayaa iney kulamo la qaataan madaxda cusub ee maanta loo doortay hogaanka Puntland, iyagoo ka wada hadlaya sidii loo hagaajin lahaa xiriirka ka dhexe maamulka Puntland iyo dowlada dhexe.

Madaxweynaha xilka ka degaya ee Puntland C/wali Gaas ayaa doorashada ka hor xayiraad ku soo rogay Wasiirada iyo shaqaalaha kale ee dowlada federaalka, isagoo ku andacoonaya inuu ka hortagayo faragelin dowladu ku sameyso doorashada.

Balse Booqashada wafdigan ayaa waxay ku soo aadeysaa xili lagu kala baxay doorashada, isla markaana ay dhamaatay xanibaadii lagu soo rogay madaxda dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Maxamuud Xaaji Saalax oo is casilay iyo Sababta is casilaadiisa oo la ogaaday

Cabdi Cade

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo caawa lagu weeraray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Haweeney Sabab Layaab leh u dalbatay Furiin Labo maalin kadib arooskeeda !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---