Maxay tahay sababta uu Soomaaliya ugu soo batay kufsiga Caruurta?

Kufsiga caruurta da’doodu aad u yar tahay ayaa Soomaaliya si xoogan uga noqotay dhibaato wax ka qabadkeedu faraha ka baxay (Rape Crisis), taas oo ku soo darsantay amni la’aantii, cadaaladdarradii, sinaan la’aantii, iyo xoriyad la’aantii horay uga jirtey dalka.

Fartun Galad Sh. Abdullahi oo 7 sano jir ah ayaa waxaa magaalada Balanbale ku kufsaday 8 sideed qofood. Degmada Afgoye waxaa kufsi loogu geystey laba gabdhood oo saddex sano jir ah oo la kala yiraahdo Amino Muse ahmed iyo Sumayo Abas Omar.

Qoysaska Soomaaliyeed ee caruurtoodu dhibaneyaasha u yihiin kufsiga uma baahna tacsi iyo magdhow midna, laakiin waxey u baahan yihiin in caruurtooda ay helaan damaanadqaad lagu xaqiijinayo badqabka noloshooda iyo in eedeysaneyaasha geystey dembiyadaas bahalnimada ah in xukun maxkamadeed oo xabsi daa’im ah lagu xukumo.

Dad badan ayaa aaminsan in haweenka la kufsanayo ay sabab u yihiin qaawinta ay ku muujinayaan cawrada jirkooda ama jirkoodu muujinayo tilmaamo soo jiidanaya indhaha kuwa wax kufsanaya oo fariimahaas u qaadanaya baaqyo ay haweenku ku soo dhoweynayaan ogolaanshaha in loo galmoodo. 90% dadka wax kufsanaya waa dad la yaqaano oo horay falalkan ula soo galay haweenka dhowrsan iyo kuwa waayeelka ah oo aan wixii ku dhacay si guud aan uga hadlin, taas oo sabab u noqotay in bahaladaas wuxuushta ah ay caruurta aan hadleyn ama aan cabiri karin ka falcelinta dareenada togan iney kufsiga ku bartilmaameystaan.

Xaqiiqdu waxey tahay in dhalaanka da’doodu aad u yar tahay ay kala kulmayaan kufsiga xanuun ay dhibkeeda ku sidayaan inta ay nool yihiin. Runtii kufsigu waa fal aad uga xun dilka dhimashada, maxaayeelay qofka la kufsado wuxuu la noolaanayaa dhimasho uu xanuunkeeda sidayo inta uu nool yahay, taas oo ka dhex dusineysa mowjado dhaawacyo badan leh oo qofka ka dhigaya midaan dhiman oo aan nooleyn.

Haddii aysan shacabku gacan adag isaga qaban daalimiintaas, ma jiri doonto sharaf, badqab, iyo kalsooni ay yeelan doonaan gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalkooda, waxeyna taas ku dhalineysaa iney jilalka hooyooyinka imanaya mustaqbalka dhow ay noqdaan edeysaneyaal kufsi oo aan lahayn damiir kalsooni badan oo ubadkooda wanaaga ku barbaarin kara ama ku dhiiran kara hamigooda iney halgan ku gaaraan si ay ugu noolaadaan nolosha ay doonayaan iney ku noolaadaan..

Haddii haweenka waaweyn lagu eedeeyo iney sabab u yihiin in la kufsado, maxey noqon kartaa eeda ay leeyihiin in la kufsado carruur da’doodu aad u yar tahay? Dhibanaha la nool xanuunada kufsiga waa ciqaabta ugu daran ee bini’aadam maro noloshiisa, sidaas si la mida ayaa loo baahan yahay in dambiilaha kufsiga lagu ciqaabo xabsi inta uu nool yahay.

Waxaa Qoray:  Said Isse Mohamud
Maine, USA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -