Itoobiya oo Eedeymo culus u jeedisay Dalalka Masar iyo Sudan xili uu fashilmay Shirkii Kongo

Dowlada Itoobiya ayaa ku eedeysay dalalka Masar iyo Suudaan inay caqabad ku yihiin wadahadallada la doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka dhashay muranka biyaha webiga Nile.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ayaa lagu guuldareystay iyadoo dhinacyada ay isku jeediyeen eedeymo, waxaana wadahadalladaas lagu qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa sheegtay in wadahadallada lagu guuldareystay kadib markii Masar iyo Suudaan ay ku dhageen qodobo laisku heystay oo ku saabsan saamiga biyaha webiga Nile.

Itoobiya waxay sheegtay in ‘labadan dal ay qaadeen tallaabooyin ay kaga hortagayaan hannaanka wadahadallada ah ee lagu xallinayo muranka ee uu hogaaminayo Midowga Afrika’

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa sheegtay in Itoobiya u handdadeyso dadka uu ka dhexeeyo qeybsiga biyaha Nile gaar ahaan shacabka Suudaan.

Muranka waxaa udub-dhexaad u ah qorshaha lagu buuxinayo biyo-xireenka iyadoo Masar iyo Suudaan ayaa ka baqayaa in mashruucu uu Itoobiya u suurto-gelin doono inay maamusho biyaha webiga ugu dheer Afrika.

Marka la dhammeystiro, Biyo-xireenka Grand Renaissance, ee ay itoobiya dhiseyso, wuxuu noqon doonaa barta ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo quwadda korontada ee biyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -