Faah Faahino kasoo baxaya Soomaali dil iyo dhaawac loogu geestay Minneapolis 

Wararka ka imaanaya magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed oo biskoolado ku hubeesnaa ay isku rasaaseeyeen qeybo kamid ah magaalada gaar ahaan xaafad Soomaalidu ku badan tahay.

Sida aan wararka ku helnay dhalinyaradan oo koox koox u abaabulneyd ayaa la sheegay in rasaas isku adeegsadeen, waxaana halkaasi ku dhintay mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray.

Ciidamada booliiska magaalada Minneapolis ayaa isku dhaca kadib howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen sadex dhalinyaro ah oo la tuhmayo in ay qeyb ka ahaayeen isku dhaca khasaaraha dhaliyay.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Minneapolis ee gobolka Minisota ayaa mararka qaar dhaxdooda dilal isku geesta, dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay ku jiraan kooxo gaangistaro ah oo daroogada isticmaala.

Isku dhacan dhax maray dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay magaalada Soomaalidu ku badan tahay ee Minneapolis ka socdeen banaan baxyo rabshado watay oo ka dhashay dilkii Goerge Floyd.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -