Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u Dambeeyay Heshiis hor dhac ah oo laga gaaray Shirka Afisiyooni

Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay ilo ku dhaw dhaw Shirka ka socda teendhada Afisiyooni ee u dhaxeeya Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku waramaya in qodobadii la isku hayay qaarkood la isku afgartay.

Qodobada ay isku afgarteen madaxda ku shirsan teendhada Afisiyooni ayaa waxaa kamid ah furitaanka shirka soo socda ay isugu imaanayaan madaxda DF iyo kuwa maamulada kasoo qeyb  galaan Gudoonka labada aqal, madaxweynayaashii hore ee iyo siyaasiyiin kale.

Sida aan xogta ku helnay qodobkan hada is fahamka laga gaaray ayaa waxaa ada ugu dhegnaa madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland kuwaa oo horey u dalbaday shirka soo socda inta hada laga balaariyo.

Heshiiskan horu dhaca ah ay gaareen madaxda ku shirsan teendhada Afisiyooni ayaa kusoo aadaya xili wakiilada beesha caalamka ugu baaqeen kuna cadaadiyeen madaxda shirsan in ay isku tanaasulaan ayna gaaraan heshiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey sharci Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Waa imisa lacagta Madaxweyne Trump soo gashay Sanadkii hore ee 2018?

Caydiid Ali

Madaxda sare ee dowlada oo kulan xasaasi ah ku leh Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---