Askar ka tirsan Ciidamada Maraykanka oo lagu dilay dalka Afghanistan

Laba ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay maanta oo Jimca ah dalka Afganistaan xilli ay hawlgal ku jireen.

Saraakiisha Mareykanka iyo xoogagga uu horseedka ka yahay ee NATO ayaan bixin fahfaahin intaasi dheer.

Ciidamo Mareykan ah oo tiradoodu gaareyso 14,000 ayaa baaqi ku ah dalka Afgansitaan, kuwaasoo ka qayb ah hawlgal tababaro iyo taageeraba loogu fidinayo ciidamada Afganistaan.

Mareykanka iyo Taliban ayaa waxa hore ugu socdey wada-hadallo nabadeed oo la doonaayo in lagu dhammeeyo dagaalka 18 sano jirsaday ee dalka Afganistaan.

Boqolaal askari oo maraykan ah ayaa lagu dilay dalkaas tan iyo markii ciidamada Maraykanku ay xukunka ka tuureen kooxdii taliban 18 sano ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -