Shirka u dhaxeeya Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada oo dib u furmay

Waxaa goordaw teendhada Afisiyooni ee xeendaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka bilowday shirka wadatashiga ee u dhaxeeya Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan oo lagu waday in shalay dib u furmo ayaa dib u dhacay kadib markii uu kasoo qeyb gali waayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor oo safar ugu maqnaa magaalada Dhuusomareeb.

Sida aan wararka ku heleyno shirkan goordhaw u furmay Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa diirada lagu saarayaa sidii isfaham looga gaari lagaa ajandaha shirka rasmiga ee soo socdo.

Ilo ku dhaw dhaw shirka ayaana ku waramaya in rajo badan laga qabo in shirka maanta yeelanayaan Madaxda iska soo horjeeda is faham ka gaaraan qodobada ay isku hayaan gaar ahaan ajandaha shirka ee yeelanayaan Madaxda .

Beesha caalamka ayaana ku cadaadineysa madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada in ay gaaraan heshiis iyo is faham, waxaana madaxda Dowlada iyo kuwa maamulada la filayaa in ay u hogaansamaan cadaadiska beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -