Dowlada Kenya oo qaaday talaabooyin adag oo ay uga aargudaneyso UK

Dowlada UK ayaa dhawaan wadamo ay kamid yihiin Kenya, Pakistan iyo Bangladesh & ku dartay liiska dalalka dadka ka yimaada la galinayo mudo labo isbuuc ah karantiil sidoo kale dadkaasi iska bixin doonaan kharashka karantiilka.

Dowladda Kenya ayaana si weyn uga carootay go’aankii ay Dowladda UK ay dalkeeda ugu dartay liiska waddamada cas ee uu aadka ugu badanyahay cudurka COVID-19 gaar ahaan nuuca cusub.

Wasaarada Arimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay tilaabada dowlada UK ugu dartay Kenya liiska wadamada uu ku badan yahay cudurka Covid-19 nuuciisa cusub lana karantiilayo dadka Kenya ka yimaada ee soo gala UK.

Dowlada Kenya ayaana dhankeeda qaadatay tallaabo ay go’aanka UK uga  aargudaneyso , waxa ayna  ku dhawaaqday in muwaadiniinta UK ka yimaada iyo kuwa rakaabka ee soo dhax mara la galinayo karantiil 14-maalin ah ayna iska bixin doonaan kharashka ku baxaya hoteelada iyo goobaha lagu karantiilayo.

Go’aanka kasoo baxay UK ee Kenya loogu daray liiska wadamada uu ku faafay  Covid-19 dadka ka yimaadana la karantiilayo ayaa hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada Kenya, waxa ayna shacabka soo dhaweeyeen go’aankan hada Kenya ugu jawaabtay UK.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -