Wasiir Khaliif A Cumar iyo Amb Mahmet Yilmaz oo arin Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha XFS Xil. Khaliif Cabdi Cumar & Danjiraha dawladda aan walaalaha nahay ee Turkey u jooga Soomaaliya Amb Mahmet Yilmaz ayaa manta kulan shaqo ku yeeshay xarunta Safaaradda ee Muqdisho.
 
Kulanka waxaa labada masuul ku wehlinayay Safiir ku xigeen Ismail Emre iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Ganacsiga& Warshadaha, waxaana diiradda lagu saaray dardargalinta dhammaystirka heshiiska ganacsi ee hindisihiisu soo bilaabmay 2018 ee loo yaqaan TEPA.
 
Heshiiska Iskaashi ee Ganacsiga & Dhaqaalaha ee (TEPA) oo ay ka wada xaajoonayaan Turkey & Somalia ayaa dardargalintiisa waxaa u idman wasaaradaha dhaqaale ee dalka oo ay horkacayaan Xafiiska Ra’iisulwasaaraha iyo Wasaaradda Ganacsiga & Warshaduhu hogaaminayso.
 
Wasiir Khaliif ayaa dawladda Turkey ku amaannay dawrka wanaagsan ee ay ka qaataan soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya, isaga oo xusay in soomaali badan kalsooni ay heleen darteed ku dageen Dalka Turkey oo aragtiyo ganacsi ay ka hirgaliyay dalkaas.
 
Heshiiskan ayaa ka qayb qaadanaya hoos u dhaca saboolnimada iyo abuurista shaqooyin cusub kuwaas oo kor u qaadaya kobaca dhaqaalaha dalka.
 
Sidoo kale labada dhinac waxay isla garteen dhiirrogelinta dhoofka wax soo saarka Soomaaliya, iyo in suuq loo helo dalagyada ay beertaan beerallayda Soomaalida ee loo dhoofiyo dalka Turkiga
 
Danjire Yalmaz iyo Wasiir Khaliif ayaa isla gartay dhisidda guddi farsamo oo dhammaystirka heshiiska TEPA ka shaqeeya ka hor inta aan si rasmi ah loo saxiixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -