Eritrea oo bilowday in ciidankeeda kala baxdo gobolka Tigrey kadib baaq loo diray

Dowladac Eritrea ayaa bilowday in ciidankeeda kala baxdo magaalooyin kuyaala gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya, kadib markii ciidankaasi lagu eedeeyay in ay geesteen tacadiyo bini’aadanimada ka dhan ah.

War kooban oo kasoo baxay dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritrea ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Tigrey ay bilaabeen in ay halkaasi ay isaga baxaan dibna ugu laabtaan dalkooda.

Qorshahan dowlada Itoobiya ciidamadeeda ugala baxeyso gobolka Tigrey ayaa bilowday kadib markii cadaadis xoogan lagu saaray arintaasi, waxaana jimcihii ugu baaqay Eritrea in deg deg ciidankeeda Tigrey uga saarto dalalka ku hormaray warshadaha ee G7.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa horey u beeniyay in ciidamo kasocda Eritrea ka qeyb qaateen dagaalka gobolka Tigrey, hasa ahaatee labada dowladood ayaa markii dambe qiray in ciidamada Eritrea ka qeyb qaateen dagaalka Tigrey.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka socday Eritrea ayaa lagu eedeeyay in xasuuq ba’an ka geesteen qeybo kamid ah dalkaasi, waxaa sidoo kale ciidamada ku kaceen falal naxariis daro ah ay kamid yihiin kufsi iyo jirdil xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -