Allbanaadir.com
NEWS

Marwada Madaxweyne Farmaajo oo Casho Sharaf ku sameesay Villa Somalia (Sawirro)

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim oo kulan casho sharaf ah la qaadatay Guddoomiyeyaasha Ururrada Haweenka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa kala hadashay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, dardar-gelinta adeegyada aas-aasiga ah ee hooyada iyo dhallaanka, dib u heshiisiinta iyo xoojinta midnimada dadka Soomaaliyeed.
 
Marwada koowaad ee Dalka ayaa xustay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo mar walba hormuud u ah ka shaqaynta danta guud, is-xilqaanka, wacyigelinta bulshada iyo tabantaabada danyarta Soomaaliyeed.
 
Marwo Saynab Cabdi Macallim oo ku ammaantay Haweenka Soomaaliyeed doorkooda wanaagsan ee ay ka qaataan u adeegidda Qaranka ayaa Haweenka Soomaaliyeed ku boorrisay in ay ka qayb galaan siyaasadda iyo hoggaaminta Dalka.
 
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab iyo qaar ka mid ah Haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo uga mahad celiyey Marwada Koowaad casuumadda ay u fidisay, iyaga oo la wadaagay talooyin ku aaddan horumarinta haweenka Soomaaliyed iyo guud ahaan Dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Baaq iyo Talooyin Muhiim ah oo laga soo saaray Khilaafka ka dhashay Mooshinka Jawaari

Cabdi Cade

(Sawirro) Sacuudiga oo 30 sano ka dib Safaaradiisa ka furanaya Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Xaflad weyn oo caawa ka socota Villa Somalia & Madaxda sare ee dalka oo qeyb galaya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---