Madaxweyne Cagjar oo ka hadlay heshiis dhexmaray Hirshabelle, Galmudug & DDS

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida. Mustafa Muxumed Cagjar oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu soo hadal qaaday heshiis dhawaan ay la gaareen maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ee Koonfurta Somalia.

waxaa uu sheegay  inay muhiim tahay in la ilaaliyo ammaanka xadka ay wadaagaan labada maamul iyo dowlad deegaanka.

Cagjar ayaa intaas ku daray in maalmihii dambe ay soo badanayeen isku dayada Al-Shabaab ay ka sameynayaan xadka ay wadaagaan maamulada Galmudug, Hirshabelle, iyo dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana uu arrintaasi uu ku tilmaamay mid ay aad ugu xun yihiin maamulkooda.

“Mas’uuliyadda amniga iyo dhowrista Soomaalinimada xil baa naga saaran, sidaasoo ay tahay waa muhiim in xoogga la saaro ilaalinta xuduudaha oo u baahan in si gaar ah isha loogu hayo, waxaa aad u soo noq-noqonaya isku dayada Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaq xooggan sameynaya taasoo u baahan in si wadajir ah looga hortago” ayuu yiri Cagjar.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii tabasho ah ee jira laga wadahadli doono, isla markaana xal laga gaari doono, balse uu ka dalbaday in ay sugaan amniga xuduudahooda, sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayay aheyd markii dowlad deegaanka Soomaalida ay siyaabo kala gooni ah heshiis ula gaartay maamulada Galmudug, iyo Hirshaelle, waxaana heshiisyada labada maamul ugu qeyb galay, Wasiirka amniga ee dowlad goboleedyada Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo  madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -