Xildhibaan ku geeriyooday Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose

Waxaa Magaalada Kismaayo ku geeriyooday maanta Xildhibaan Cumar Buraalle Axmed oo ka mid ahaa Xildhibaanada baarlamanka dowlad goboleed Jubbaland.

Cumar Buraalle Axmed ayaa sidoo kale mar ka mid noqday Xildhibaanadii dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Eheladiisa ayaa sheegay in Xildhibaanku maalmahan xanuunsanaa saakana uu geeriyooday, waxaana galabta lagu aasay Qabuuro ku yaalla Kismaayo.

Marxuum Xildhibaan Buraale ayaa Eheladiisa waxay sheegeen in maalmahaan uu ku furnaa kiis ku aadan dhul laga xukumay qof ay ehelo yihiin oo dhismo laga bilaabay.

Warka ayaa intaas ku daraya in Xildhibaan Buraale oo kiiskaas ku wargeliyay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdulqaadir Lugadheere, kaasoo joojiyay in dhulkan la dhiso.

Balse Shaqsiga dhulka loo xukumay ayaa keenay Ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland oo isku gedaamay dhulkii leysku heystay taasoo la sheegay iney keentay in Xildhibaan Cumar Buraale Axmed uu ku kaco cudurka dhiig karka oo uu qabay, ka dibna u geeriyoodo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -