Armenia oo afar tuulo ku wareejisay dalka colaada kala dhaxeeyay ee Azerbaijan kaddib markii…

Dowladda Armenia ayaa shalay oo Jimco aheyd si rasmi ah ugu wareejisay dalka colaada kala dhaxeeyay ee Azerbaijan afar tuulo ay horey u heesteen, kaddib heshiis colaada labada dal lagu soo afjarayay oo labada dal horey u dhax maray.

Tuulooyinka lagu wareejiyay dalka Azerbaijan ayaa ka tirsan degmada Gazakh ee dhacda xadka ay Armenia, waxaana tuulooyinkan yihiin kuwa aan cidna degneen oo labada dal horey isugu heesteen.

Ra’isulwasaare ku xigeennka Azerbaijan Shahin Mustafayev , ayaa sheegay in dhulkan ku wareejiyay dalka dariska la ah, si ay u fuliyaan heshiis bishii April dhax maray xukuumadaha labada dal.

Dibad-baxyo waa weyn oo looga soo horjeedo tulooyinka lagu wareejiyay dalka Azerbeijan ayaa ka dhacay gudaha Armenia, waxa ayna dadka dibad-baxa dhigayay si weyn uga soo horjeedeen go’aanka dowladda ku wareejisay tuulooyinkaasi.

Labada dal ee dariska ah ee Armenia iyo Azerbijan ayaa muddo sanado ah isku heestay gobolka Nagorno-Karabakh ee ku yaalla xuduudda labada waddan, ciidamada labada dal ayaana marar badan waxaa dhax maray dagaallo khasaaro badan dhaliyay.,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -