Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo dhaawacyo siyaasadeed u geestay gobolka Banaadir !

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu Gobolka Banaadir u gaystay dhaawacyo siyaasadeed oo ay ilaa maanta ka soo waaqsan la’dahay. Isaga ayaana horseeday seddax caqabadood oo maanta ku horgudban horumarka dadka iyo deegaanka Muqdisho.

Madaxweyne Shariif waxaa la doortay Gobolka Banaadir oo leh gole deegaan oo 69 xubnood ah. Golahaas oo ku-meel-gaar ahaa waxaa dhisay Raysulwasaare Nuur Cadde, Rabbi ha u naxariistee. Waxaa la dhaariyay 23kii Nofeembar 2008, waxayna isla maalinkaas guddoomiye u doorteen Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur).

Nasiibxumo, Madaxweyne Shariif ayaa 6dii November 6, 2009 wuxuu kala diray Golihii Deegaanka ee shaqeynayay muddo sanad ah. Wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Cabdirisaaq Maxamed Nuur (Eng. Nuune). 16 sano ka dib, sidii ayuu Madaxweyne kasta wareegto ugu magacaabaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo Gobolku ilaa maanta ma leh gole deegaan oo ka shaqeeya horumarinta Caasimadda.

Dowladdii Madaxweyne Shariif waxay sidoo kale Muqdisho ku naafeysay dhaawac dastuuri ah oo caqabad ku noqday maqaamka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Muqdisho, oo waxaa qodobka 9ᵃᵃᵈ Dastuurka lagu xusay in maqaamka Muqdisho go’aan looga gaari doono dib-u-eegista dastuurka, ayna labada aqal ee Baarlamaanku ka soo saari doonaan sharci gaar ah. 14 sano ka dib, Muqdisho waxaa wali ku xiran siriqdii iyo wareerisadii ay ku xirtay dowladdii Madaxweyne Shariif.

Dhanka kale, Dowladdii Madaxwene Shariif ayaa jaangoysay in dakhliga ka soo xaroodo Muqdisho 15% kaliya laga siiyo Gobolka Banaadir. 16 sano ka dib, Muqdisho waxay wali ku gowracan tahay cadkii quureed ee uu u gooyay Madaxweyne Shariif, waxayna ilaa maanta ka qaajeysan tahay canshuuraha nus bilyanka ku dhow ee sanad kasta laga soo xareeyo dekadda, garoonka, iyo suuqyada Xamar.

Fahamxumo iyo niyadxumo tii ay ka ahaydba, dowladdii Madaxweyne Shariif waxay dadka iyo deegaanka Muqdisho ku dhufatay dhaawacyo naafeeyay oo ay ilaa maanta ka soo kaban la’dahay. Waa taariikh baal madoow ugu qoran diiwaankiisa siyaasadeed, waana in lagula xisaabtamo, oo madal kasta lagu waydiiyo.

W/Q Xasan Sabriye

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xayiraada garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo saameynta ka dhalatay (Warbixin)

admin

Wariye katirsanaa BBC-da oo shaqadiisa ku waayay Sawir Edeb daro ah uu baahiyay

Cabdi Cade

Dayuurad hawada ku jirtay oo deg deg loo dejiyey Sabab yaab leh awgeed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---