Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka oo diiday inuu qaato talaalka AstraZeneca

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jarmalka Seehofer ayaa diiday inuu qaato talaalka AtsraZeneca.

Arrintaasi waxay ka timid ka dib markii uu Wasiirka Caafimaadka Jens Spahn ka codsaday Wasiirada kale ee Xukuumadda ku jira ee 60-ka sano ka weyn inay daawadaas isku talaalaan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Seehofer ayaa diiday  talaalkaas, isagoo aan sheegin sababta uu ku diiday, waxaana arrintan ay dood ka dhalisay shacabka iyo madaxda dalkaas.

Dowlada Jarmalka ayaa sheegtay dhowaan in talaalka AstraZeneca la siinayo oo kaliya dadka caadiga ah ee da’doodu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -