Dowlada Somalia oo isbedel ku sameysay habraaca ka hortagga cudurka COVID-19 (Akhriso)

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada JFS iyada oo ka amba qaadaysa hoos u dhaca xoogga ah ee ku yimid Caabuqa COVID-19 islamarkaana ku xisaabtamaysa mashaariicda baahinta talaalka caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa wax ka badel lagu sameeynayo habraaca ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa COVID-19:

  1. Dhammaan dada ka safraya Soomaaliya loogama baahna Warqadda Caddeynta Baaritaan ee Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
  2. Dhammaan dadka usoo safraya Soomaaliya loogama baahna in ay la yimaadaan Warqadda Cadeynta Baaritaanka Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
  3. Dadka ka dhoofaya Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay iska hubiyaan una hoggaansamaan sharuudaha iyo habraacyada Wadamada ay u socdaan ee la xariira COVID19.

Wasaaradda Caafimaaka iyo Daryeelka Bulshada JFS waxay ku dhiiri galinaysaa muwaadaniinta in ay joogteeyaan tallaabooyinka ka hortagga halista Caabuqa COVID-19. Waxay sidoo kale ku dhiiri galinaysaa muwaadaniinta in ay qaataan Talaalka COVID-19 kana ilaaliyaan naftooda iyo kan ehealadooda khatarta Caabuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -