Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo Aqalka cad ku bahdilay Madaxweynaha K/Afrika (Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa u rogay Aqalka Cad , meel isugu muujiyo boqor saameyn ku leh dunidda oo dhan, wuxuuna sii wadaa inuu dooddo iyo canaan dhex taal uga dhigo martigelinta hoggaamiyayaasha caalamka, iyadoo caawa mar kale ay dood dhexmartay Trump iyo madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa oo noqonaya hoggaamiyihii u horreyay ee Afrika oo Aqalka Cad uu ku qaabbilayo, tan iyo markii dib loo doortay.

Kulanka labada hoggaamiye oo si deggan ku bilowday, wuxuu si dhaqso ah u noqday mid is qabqabsi dhaliya, kaddib markii Trump uu si kulul u eedeeyay dowladda Koonfur Afrika, inay ku lug leedahay faquuq ka dhan ah dadka cadaanka ah ee u dhashay Koonfur Afrika

Si uu u xoojiyo eedeymihiisa wuxuu la soo baxay sawirro iyo muuqaallo uu ku sheegay inay tixraac u yihiin ficillada ka dhanka ah cadaanka ee ka dhacaya gudaha Koonfur Afrika oo ay ka muuqanayeen guryo la gubay iyo xabaalo

Ramaphosa ayaa si cad u diiday eedeyntaasi, isagoo sheegay in aysan jirin siyaasado dawladeed oo ka dhan ah dadka cadaanka, waxyaabaha ka dhaca dalkiisana ay yihiin fal dambiyeedyo iska caadi ah.

Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay dawladda Koonfur Afrika inay si sharci darro ah u qaadato dhul, isagoo sheegay in dadka cad-cad lagu cadaadiyo. Ramaphosa ayaa ka jawaabay, isagoo sheegay in dawladda aysan si sharci darro ah u qaadan dhul, balse ay jirto siyaasad lagu hagaajinayo sinnaanta dhulka ee dalka.

Kulanka kaddib, madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in Koonfur Afrika aysan u baahnayn in Mareykanka uu farageliyo arrimaha gudaha ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in Koonfur Afrika ay leedahay awood ay ku xalliso dhibaatooyinkeeda, isla markaana aysan aqbali doonin in cid kale isku daydo inay farageliso.

Trump wuxuu kulanka u adeegsaday sidii fursad uu taageerayaashiisa gudaha ugu muujin lahaa inuu yahay difaace u taagan dadka cadaanka ah, gaar ahaan kuwa dareensan in la takoorayo, halka Ramaphosa dhankiisa uu isu muujiyay inuu yahay hoggaamiye difaacaya madax-bannaanida Koonfur Afrika, wuxuu sidoo kale muujiyay inaan Koonfur Afrika la cabsi gelin karin, mana aqbalayso in laga yeelo dal hooseeya oo amar la siiyo. Wuxuu adeegsaday diblomaasiyadiisii u sarreysay, balse waxay u muuqatay inuu Trump uu si kadis ah arrimahan uga hadlay oo eedeymo aan raad lahayn u soo bandhigay.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Bandhig Muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

RW Khayre & Wasiirka A/dibaddda Norway oo ka wada hadlay xakameynta COVID-19

Caydiid Ali

Gabar 9 sano jir ah oo la kufsaday iyo Wararka ugu danbeeyay Safarkii Khayre ee Gaalkacyo & Xukun dil ah oo la fuliyay !!

admin
Taboola Ads ---