Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerartay Saldhig ciidan oo kuyaala gudaha dalka Kenya

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe weerar culus ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaala deegaanka Yuumbis oo kuyaala duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda la wareegeen saldhiga ay weerareen, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in saldhigaasi ka heleen hub iyo saanad milatari oo ay ka carareen ciidamada Kenya.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa sidoo kale dab qabadsiiyay xarun ay shirakada telfoonada ee Safaricom ku laheyd deegaanka Yuumbis , waxaana xaruntaasi isaga cararay ciidamo ilaalo ka hayay.

Dowlada Kenya ayaan wali ka hadlin weerarkan Al Shabaab xalay ku qaadeen deegaanka Yuumbis ee hoosataga magaalada Gaarisa , waxaana deegaankaasi saakay dib ugu laabtay ciidamada Kenya ee xalay ka baxay.

Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab dhawaan qaraxyo ku dileen ciidamo katirsan booliiska Kenya oo ku sugnaa deegaano hoostaga magaalada Wajeer,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibadda Shiinaha iyo Elon Musk oo kulan Xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade

Golaha Amaanka ee QM oo War ka soo saaray heshiiskii laga gaaray doorashada Somalia

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay go’aan ay horey uga qaadatay Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---