Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano laga mamnuucay fadhiya Baarlamaanka oo jawaab adag bixiyay

Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray kaga mamnuucay in shan kulan ay yeelanayaan Xildhibaanada golaha shacabka kasoo qeyb galaan 15-mudane oo lagu eedeeyay in qas ka sameeyeen xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaanadan laga mamnuucay fadhiya baarlamaanka ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, waxa ayna cadeeyeen in aysan u hogaansami doonin go’aankaasi.

Sadiiq Warfaa oo katirsan Xildhibaanada golaha shacabka ayaa nasiib daro ku tilmaamay qoraalka kasoo baxay Gudoomiye Mursal, waxa uuna sheegay in Xildhibaanka xasaanad leeyahay uuna fikirkiisa cabiri karo.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo isna kamid ah Xildhibaanada laga mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka ayaa Gudoomiyaha baarlamaanka ku tilmaamay mid aan garasho sharci laheyn.

”Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu ka talinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda!” ayuu yiri Mahad Salad.

Xildhibaanadan laga joojiyay 5-ta kulan ee Baarlamaanka ayaa ah Xildhibaano mucaarad ah oo si weyn uga soo horjeeda in mudo kororsi sameeyaan Xildhibaanada golaha shacabka ee taageersan Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo si weyn Baydhabo loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gaashaanle dhexe Assimi Goïta oo talada dalkiisa xoog kula wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---