Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay sargaal katirsan Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen tuulo hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo dagaalyahano ilaalo u ahaa.

Howlgalkan ayaana si gaar ah uga dhacay tuulada buulo xaaji oo gacanta ugu jiray kooxda Al Shabaab, waxaana saraakiisha Danab sheegeen in xog ay heleen kadib weerar ku qaadeen tuuladaasi ay isku aruursanayeen Al Shabaab.

Sargaal katirsan ciidamada Danab ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu dilay madaxii qaraxyada Al Shababa ee gobolka Shabeelaha Hoose ninka magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Jiis iyo 10 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliya qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna ciidamadan marar badan sheegeen in ay dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab in ay dileen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -