Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ee ku dhaxtaala Madaxtooyada.

Munaasabada uu xilka kula wareegayay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxaa joogay Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/weli Ibrahim Muudey, qaar kamid ah sii hayaasha xilka Wasiirada iyo wakiilo ka socday beesha Caalamka.

Mahdi Guuleed oo xilka Ra’isul Wasaaraha ku-sime ahaa ayaa ku wareejiyay Maxamed Xuseen Rooble xilka Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna farta ka saaray dukumiintiyo kala duwan ay ku jiraan sharciyo si boobsiis ah lagu ansixiyay intii Mahdi ku sime ahaa.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa ku guul dareestay in uu xilka kala wareego Ra’isul Wasaarihii ka horeeyay Xasan Cali Kheyre, waxaana diiday in Kheyre xilka ku wareejiyo Rooble Madaxtooda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Qurbajoog ahaa oo xalay lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Wafdigii ka socday Aqalka sare oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Jubbaland iyo xaalka oo sidii hore ka badalan

admin
Taboola Ads ---