Ciidamada Gor Gor ee ku sugan Muqdisho oo Howlgal loo diyaariyay (Daawo Sawirada)

Xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho waxaa ku xareesan ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Turkiga tababaray ee Gor Gor, ciidankan ayaana dowlada u diyaarisay in howlgalo kala duwan fuliyaan.

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa kormeer ugu tagay ciidankan katirsan Gor Gor ee ku xareesan xero Damaanyo, waxa uuna taliyaha qiimeyn ku sameeyay xaalada ciidankaasi.

Saraakiil katirsan ciidanka Gor Gor ayaa taliyaha warbixin ka siiyay ciidamada xerada ku xareesan, waxa ayna saraakiisha sheegeen in ciidankan yihiin kuwa diyaarsan una dhameestiran yihiin hubkooda.

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, oo la hadlay ciidamada Gor Gor ee ku xareesan Damaanyo ayaa faray in ay u diyaar garoobaan fulinta howlgal Qaran uusan cadeyn goobta ay ka fulin doonaan.

Ciidamada Gor Gor oo tababartay dowlada Turkiga ayaa kamid ah ciidamada ugu awooda badan ee Soomaaliya, waxaana ciidamadan dowlada dhawaan u adeegsatay fashilinta banaan baxyo mucaaradka qorsheeyeen in Muqdisho ka dhigaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -