Gaashaanle dhexe Assimi Goïta oo talada dalkiisa xoog kula wareegay

Milatariga dalka Mali ayaa mar kale xoog kula wareegay xukunka dalkaasi, kadib markii ay xabsiga dhigeen Madaxweynihii iyo Ra’isul Wasaarihii dalkaasi ay ku eedeeyeen falal carqaladeyn ah.

Saldhig milatari ayaa lagu xiray madaxweynihii  kumeel gaarka ah ee  dalka Mali Bah Ndaw iyo ra’iisal wasaaraha dallkaasi Moctar Ouane, waxaa sidoo kale dadka la xiray ku jira Wasiirkii gaashaandhiga dalkaasi.

Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, oo kamid ah raga ugu awooda badan milatariga dalka Mali ayaa madaxdaasi ku eedeeyay inay ku fashilmeen hogaaminta isla markaana ay doonayaan inay carqaladeeyaan dowladnimada.

Talaabada mar kale milatariga dalka Mali xukunka wareegeen ayaa si kulul loo cambaareyay, Ururka dalalka galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS oo afgamnbiga cambaareeyay ayaa sheegay in Mali wefdi u diri doonaan.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Mali ayaa dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo madaxweyne Bah Ndaw iyo Ra’iisul Wasaare Moctar Ouane, kaddib markii ay xireen milatariga dalka Mali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -