Faahfaahino ayaa ka soo baxaya shir xalay Muqdisho uga furmay Madaxda Maamul goboleedyada dalka ee kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle, & Koonfur Galbeed.
Shirkan ayaa ah kii u horreeyay ee madaxda Maamul Goboleedyada oo wadajir ah isugu yimaadaan tan iyo markii ay soo gaareen Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay shirkaas ka sheegeen in sababta ay ugu qeyb geli waayeen shirkii maalmahan u socday madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ay tahay cabasho ay ka qabaan habka uu wax u wado Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale Deni iyo Axmed Madoobe ayaa soo jeediyay in ciidamada dowladda gabi ahaan laga saaro xerada Afisyooni, isla markaana amniga lagu wareejiyo ciidamada AMISOM.
Qodobada kale ay ku doodeen waxaa ka mid ah in laga heshiiyo jadwalka shirka, isla markaana madaxweyne Farmaajo uusan shir guddoomin kulanka, lana helo qof damaanad qaada fulinta waxyaabaha lagu heshiiyo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xalay aan loo kala kicin kulanka, iyadoo madaxda maamulada Galmudug Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ee xulufada la ah Madaxweyne Farmaajo ay dood ka keeneen qaar ka mid ah qodobada ay soo jeediyeen Deni iyo Axmed Madoobe.
Madaxda oo isla gaaray illaa xalay xili dambe ayaa ku balamay in kulan kale ay galabta isugu yimaadaan, si loo sii wado wadahadalada xal looga raadinayo dhameynta muranka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya.
Kulankii xalay ayaa waxaa dibed joog ka ahaa madaxda sare ee DF, wakiilada beesha caalamka iyo xubnaha Midowga Masharaxiinta ee markii danbe u xuubsiibtay golaha badbaado Qaran, waxaana la filayaa in gebagebada shirkan laga soo saaro War murtiyeed ku saabsan sidii dalka looga gudbin marxalada siyaasadeed ee cakiran.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com