Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Eritreya oo go’aan cusub ka qaadatay ciidamada ka joogay gobolka Tigray

Dowlada Eritreya ayaa oggolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo gobolka Tigray ee woqooyiga Itoobiya oo ay soo gashay markii uu socday dagaalkii TPLF iyo xukuumadda Abiy Ahmed.

Go’aankan ayaa soo baxay ka dib shir ay Asmara ku yeesheen RW Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritreya Asaias Afewerk.

Ereteriya ayaa ciidamada ku soo daabushay gobolka Tigray, kaddib markii TPLF ay duqaysay caasimada Asmara, sida uu sheegey Abiy Axmed.

Qaramada Midoobay  ayaa ku eedeysay ciidamada Eritreya iney gobolka Tigray ka geysteen gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayna laayeen si ulakac ah dad shacab ah oo guryahooda lagala baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo u digtay heyaddo dalka ka howlgala

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Natiijada Doorashada Kenya iyo Labo Musharax oo si weyn isku haya

Cabdi Cade

Xaflad lagu soo dhoweynayey Xildhibaano ka tirsan federaalka oo Caawa Dhuusamareeb lagu qabtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---