(Sawirro) Madaxweyne Saciid Deni oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyay Muqdisho Masuuliyiinta DFS inta badan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka DFS iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Muqdisho iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale wax ka soo dhoweeyey siyaasiyiin caan ah oo ka soo jeeda beelaha Hawiye iyo qeybaha bulshadda

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka DFS  iyo qaar ka mid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Aqoonyahan iyo waxgarad.

Deni oo dhowaan shaaciyey inuu yahay musharax u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa u soo guuray magaalada Muqdsho si uu uga bilaabo oloihiisa doorashada isagoo ka mid musharaxiinta ugu cad cad tartanka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -