Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa CIA-da Mareykanka oo la xiray kaddib xog sir ah uu …

Sargaal katirsanaa sirdooka dowladda Mareykanka ee CIA ayaa la xiray, kaddib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay xog sir ah oo la diyaariyay, ka hor weerarkii gantaalaha ahaa ee milatariga Israa’iil ay ku qaaday gobolo katirsan Iran bishii hore.

Asif William Rahman, ayay FBI-du ka soo qabteen todobaadkan gudaha dalka Cambodia, waxaana lagu wadaa ninkan in maanta  Khamiistii uu ka soo muuqdo maxkamad, iyadoo la filayo in dacwad oogayaasha ay soo bandhigaan dacwada ninkan CIA-da katirsanaa loo heesto.

Rahman ayaa todobaadkii hore lagu soo oogay  laba dacwadood oo la xiriirta in uu shaaca ka qaaday xogta difaaca qaranka Mareykanka,  sida uu dhigayo sharciga basaaska, waxaana laga yaabaa in ninkan uu mutaysto xabsi dheer haddii lagu helo dambiyada lagu eedeeyay.

Ninkan ayaa eedeymaha loo heesto waxaa kamid ah in dukumiintiyo sir ah u gudbiyay qof aan xaq u laheyn in xogtaasi hesho, waxa ayna dukumiintiyadaasi gaareen sirdoonka dowladda Iran oo iyana soo bandhigay xogta ay heleen.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Rahman uu u shaqayn jiray hay’adda sirdoonka dhexe ee CIA-da. Afhayeen u hadlay CIA ayaa diiday inuu wax faallo ah ka bixiyo warkan ku saabsan dacwada loo heesto ninkan katiraanaa sirdoonkooda ee xogta bixiyay.

Wargeysku waxa uu sheegay in dukumentiyada la faafiyay ay diyaarisay Hay’adda National Geospatial-Intelligence Agency (NGA) oo falanqaynaysa muuqaalada iyo macluumaadka ay ururiyaan satalaytka basaaska ee Maraykanka, waxa ayna hay’adan qabataa shaqooyin lagu taageerayo howlgalada sirta ee milatariga Mareykanka.

Dukumeentiyadu waxay bishii hore ka soo muuqdeen kanaalka app fariimaha Telegram. Dukumiintiyada ayaa lagu xusay in Israa’iil ay wali dhaq-dhaqaaq ku sameyneyso hantida militariga si ay u qaaddo weerar millatari oo ay uga jawaabeyso weerarkii gantaallada ballistic-ga ee Iran ee 1-dii Oktoobar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad sannado kahor dadkooda dhinteen oo mar kale Murugo hor leh dareemay

Cabdi Cade

Qaraxyo caawa ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ku saabsan khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

Saraakiisha ciidanka Itoobiya oo ka hadlay dayuuradii ku dhacday Berdaale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---