DF oo War yaab leh ka soo saartay shirka u furmay Madaxda Dowlad goboleedyada

Xukuumada Somalia ayaa war ka soo saartay shir caawa u furmay madaxda shanta dowlad goboleed ee ka tirsan federaalka Somalia kaasoo looga hadlayo xalinta khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ergo u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee aan weli ku soo biirin Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka uga socda teenshada Afisiyooni

Wasiirka ayaa tilmaamay in shirka oo albaabadu ay u xirnaayeen maanta diirradda lagu saaray maangalnimada sababaha ay ku maqan yihiin Madaxweyneyaasha, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, iyadoo Madaxdu ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dhaqangelinta heshiiska doorashooyinka 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ergo ahaan u diray Madaxweyneyaasha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, si ay ula kulmaan Madaxda ka maqanaa shirka, ayna u la wadaagaan muhiimadda ay leedahay in ay gutaan doorkooda kaga aaddan qabsoomidda doorashooyinka” ayuu yiri wasiirka

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dulqaataan maadaama shirku uu socdo muddo, taasoo ay sababtay duruufaha ku xeeran iyo dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan fulinta heshiiskii Doorashada ee 17-ka Sebtember.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -