(Daawo Sawirro) Ciidamo uu horkacayo Jen. Caanood oo howlgalo ka wada magaalada Marko

Ciidamo uu hogaaminayo abaanduulihii xilka laga qaaday ee ciidanka XDS Jen. C/llaahi Cali Caanood oo shalay gaaray magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose ayaa magaaladaas ka wada howlgalo lagu xaqiijinayo amniga.

Howlgaladan oo ciidamadu ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Marko ayey ku soo qabqabteen dhalinyaro fara badan oo la tuhmay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Dhalinyarada ayaa la isugu keenay fagaare ku yaalla magaaladaas, iyagoo indhaha ka duuban, iyadoo saraakiishu sheegeen in lagu sameeyey baaritaano intooda badana la sii daayey marka laga reebo kuwo tiro yar oo tuhun xoog leh laga qabo si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Jen. Caanood  ayaa la arkayey shalay iyo maanta isagoo dhex wareegaya xaafadaha magaalada Marko, isla markaana hagaya howlgalka oo sidoo kale ay ka qeyb qaadanayeen ciidamo ka tirsan AMISOM oo saldhigyo ku leh hareeraha magaaladaas.

Abaandulihii hore ayaa shalay magaalada Marko la galay boqolaal askari oo ku hubeysan afartameeyo gaadiidka dagaalka ah iyagoo iska horimaadyo aan sidaa u xoog badneyn la galay xoogag taabacsan al-shababa oo ku sugnaa xaafado ka tirsan magaalada Marko kuwaasoo markii dambe isaga baxay magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -