Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka carrooday fal uu kula kacay Telefishinka Qaranka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh ah ,sidoo kale hadda ah mudane katirsan golaha Shacabka ayaa ka qeyb galay kulanka xildhibaanada labada aqal ee ka doodaya wax ka bedelka Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo fadhiga Baarlamaanka hadal ka jeediyay ayaa hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka badalka Dastuurka iyo xaaladda guud ee siyaasadda iyo mida Amniga dalkeenna.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa markii uu bilaabay hadal-jeedinta xildhibaanada labada aqal waxaa la jaray baahintii tooska aheyn ee telefishinka Qaranka, waxaa sidoo kale khudbadiisa aan laga baahin Tv- ga dowladda oo baahinayay hadal-jeedinta xildhibaanada kale.

“Aragtidayda iyo dareenka shacabka ay qabaan in aan ka sheego Baarlamaanka hortiisa waa qodob dastuuri ah , balse warbaahinta qaranka ee la rabay in ay noqoto indhaha ay bulshadu wax ku aragto, lagu saxo dowladnimada, u sinnaadaan masuuliyiinta, mucaarad iyo muxaafid ayaa maanta laga baahin waayay aragtidayda. Ma aqaan sababta keeni karta tallaabadan is hortaagga ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal kasoo saaray arrinta lagula kacay.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif ayaa tallaabadan maanta lagula kacay ku tilmaanay in ay billow u tahay waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida Xildhibaanka iyo tan siyaasiga.

Related posts

Saciid Ciise: “Dhaqanka keli-taliska ah ma ogola inuu libin siiyo Madaxdii ka horeysey”

Caydiid Ali

Bangiga Somaliland iyo Milkiilaha World Remit oo isku dhegan iyo Xogta waxa ay isku hayaan

Cabdi Cade

Howlgalada la dagaalanka Maandooriyaha oo si xowli ah uga socda Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---