Shaqaalaha QM & Safaarada Mareykanka oo dhiig ugu deeqay dhaawacyada Soobe (Sawirro)

Shaqaalaha Safaarada Mareykanka ee Muqdisho iyo kuwa Qaramada Midoobay qaarkood ayaa maanta dhiig u shubay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay nawaaxiga Soobe oo haatan daadsan isbitaalada magaalada Muqdisho.

Qoraalo lagu baahiyey bogga ay Twitterka ku leeyihiin xafiiska QM ee Somalia iyo safaarada Mareykanka ayaa lagu sheegay arrintan.

“Iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay weerarkii 29-kii Oktoobar ee Al-shabaab ay ku qaadeen isgooyska KM-5 ee magaalada Muqdisho ay degdeg ugu baahan yihiin in dhiig lagu shubo, ayey shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku biireen baaqyada ah in la caawiyo dhibanayaasha, waxa ayna si mutadawacnimo ah ugu deeqeen dhiigooda – Qaramada Midoobay waxa ay ku garab taagan tahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kala ka soo horjeedaan argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska UNSOM.

Sidoo kale qoraal kan la mid ah oo ka soo baxay safaarada mareykanka ayaa u qornaa sidatan:-

Shaqaalaha safaarada Mareykanka ee Somalia ayaa maanta dhiig ugu deeqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxyadii Muqdisho”

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, si looga adkaado baa la yiri argagixisada.

Waa markii ugu horeysay ee shaqaalaha QM iyo safaarada Mareykanka ee Somalia ay dhiig  u shubaan dad ku waxyeeloobay qaraxyada kooxda Al-shabaab.

Dad ka badan 100 qof ayaa ku naf waayey in ka badan 300 kalena wey ku dhaawacmeen Magaalada Muqdisho qaraxyadii is xig xigay oo ka dhacay shalay

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -