Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka doorashada & Farmaajo oo laga yaabo in..

Cakirnaan dheeraad ah ayaa ku timid xaaladda doorashada Soomaaliya kadib markii madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday uu madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug uu ka dhaadhiciyay inay diidaan shirka xallinta caqabadaha doorashada ee beesha caalamku doonayso in lagu qabto Xeyndaabka garoonka diyaaradaha.

Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay, James Swan oo fahamsan rahanta loo heysto Lafta-gareen iyo Qoor-qoor ayaa taleefoon uu Farmaajo kula hadlay ugu sheegay inuu si deg-deg ah ugu yeero labadooda si ay shirka uga qeyb galaan, ha yeeshee Farmaajo oo doonaya inuu taako kale u dhigo shirka ayaa ka dalbaday James Swan inuu tabashadooda dhageysto, maadaama uu horay u dhageysan jiray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Swan oo arrintaas ka carooday ayaa ku war geliyay Farmaajo inay beesha caalamku qaadan doonto qaraar muhiim u ah doorashada hadii uusan wax ka bedel ku sameyn qorshihiisa carqaladeynta doorashada.

Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa iyana beesha caalamka ku cadaadinayaan in shirka la qabto, ama la fasaxo si ay ugu laabtaan dowlad gobaleedkooda, marka ay diyaar garoobaan dhinacyada kalana loo yeero. Labada madaxeyne gobaleed ayaa danta ugu weyn ee arrintaan ka leeyihiin waxay tahay in dab ay kusii shidaan carada  James Swan, dhammaan adduunyaduna tusiyaan damaca Farmaajo ee doorasho diidka iyo kursi isku koolleynta ku kooban.

Dhanka kale dowladda Turkiga oo si hoose ula safan Farmaajo, kuna dadaaleysa ka guul gaaridda  qorshaha xagal daacinta qabashada doorasho la isla oggolayahay, ayaa dooneysa inay hoggaanka sharciyaddu ka dhamaatay iyo midawga musharrixiinta u furto wada-hadallo ay bannaan joog ka yihiin madaxda dowlad gobaleedyada Puntiland iyo Jubaland si meesha looga saaro isku xirtaanta ladabaas dowlad gobaleed iyo midawga musharrixiinta, Farmaajana loogu abuuro fursad uu dalka kusii heysan karo doorasho la’aan ama uu ku qabsan karo doorasho isaga uun uu isla tartamayo.

Qorshahaan oo ay la socdaan madaxda Jubaland iyo Puntiland iyo midawga Musharrixiinta, kana baaraan degayaan sida ugu haboon ee loo fashilin karo, ayaa waxaa gadaal ka riixeysa dowladda Qatar oo dooneysa in waligeed ay kusii adeegato wariyihii hore ee Al-jazeera, hadana ah taliyaha Nabad-sugidda dalka oo daaha gadaashiisa ka maamula Farmaajo.

Ila kale oo Diblamaasiyadeed ayaa sheegaya in dowldda Mareykanka oo sheeda kala socota xaaladda doorashada dalka ay qorsheyneyso inay tilaabada ugu habboon ka qaaddo cid kasta oo laf-dhuun gasha ku noqota hannaanka geeddi socodka doorashada dalka ee hadda lasoo gaarsiiyay meel laga sii anba qaadi karo, lagu diyaarin karo dowladdii bedeli laheyd maamulka waqtigu ka dhamaaday.

Farmaajo oo ku guul darreysay inuu dalka ka qabto doorasho qof iyo cod ah oo ballan qaadkiisii ololaha ku jirtay, ayaa bedelkeeda qaban waayay doorashii dadbaneyd ee madaxweyhii ka horreeyay qabtay, waxuu awoodi waayay inuu fuliyo heshiiskii Sept. 17, 2020, waxaa kale oo uu ogolaan waayay wadahadal, lamana oga sida uu u ogolaan doono wax aan aheyn inuu sharci darro kusii fadhiyo iyo inuu qabto doorasho isaga uun uu kusoo laabanayo, isagoo aan fiirin danta qaranka.

Lama oga sida wax noqon doonaan, ha yeeshee waxaa dadka ka faallooda arrimaha cakiran ee Soomaaliya ay qabaan in geeda isku aadintii maamulka waqtigiisu dhamaaday ay dhamaatay wixii markaan ka dambeeyana ay suura-gal tahay in beesha caalamku qaado tillaabo aan ka farxin oo ay kamid noqon karto in ciidamada AMISOM laga qaado Villa Somalia, in dhammaan ciidanka qalabka sida la faro inaysan ka amar qaadan, in Farmaajo iyo dhammaan inta ku caawineysa carqaladeynta doorashada lagu soo rogo cunaqa-bateyn safar, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed, dhanka kalana la diyaariyo qariirad uu dalku doorasho ku aadayo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -