(Sawirro) Madaxweyne Geelle & Marwadiisa oo qaatay talaalka cusub ee COVID-19

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xaaskiisa Khadra Maxamuud Xayd ayaa maanta qaatey tallaalka cudurka COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in tallaalkii ugu horreeyey oo looga hortagayo fayraska Korona uu gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti 6-dii bishan Maarso.

Tallaalkan oo uu qofka laba mar qaadan doono ayay wasaaraddu sheegtay in lagu billaabayo shaqaalaha caafimaadka ee halista ugu jira qaaditaanka cudurkaasi iyo bukaannada kale ee u nugul iney cudurka qaadaan oo ah dadka la nool cudurrada kale isla markaana da’doodu ay ka weyntahay 50 jir .

Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye in Jabuuti ay talaalkan sugeysay, kana soo iibsatay dalka shiinaha.

“Tallaalkan waan sugeynay, intan waa intii ugu horreysay oo lagu howlgeli doono oo lagu bilaabi doono dadka aad ugu sii baahan oo ah dadka ka shaqeeya wasaaradda caafimaadka, iyo dadka da’da ah,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay in xirmooyinka haatan soo gaaray ay yihiin kuwo lagu sii bilaabayo dadka aadka ugu baahan, isla markaan bishan dhexdeeda ay sugayaan ilaa 300,000 oo xirmo ah oo ay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay Shiinaha.

Wuxuu wasiirku intaas ku daray in sidoo kale dalkaas uu soo gaaray tallaalka bilaashka ah ee ay heleen qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -