Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in DF aqbashay joogitaanka ciidamada Itoobiya?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u oggolaatay Ciidanka Itoobiya ay sii joogaan dalka, islamarkaana ka mid noqdaan howlgalka cusub ee Midogw Afrika, kaasi oo beddelaya howlgalka loo yaqan ATMIS.

Oggolaanshahan ayaa ka dhigan in Dowladda Soomaaliya ay beddeshay go’aankeedii ahaa in Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee dadka iyo dalka Soomaaliya, waxaana ay taasi beddelkeed amaantay naf-hur la sheegay in ciidanka Itoobiya ay u sameeyeen amniga iyo nabad helida Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dal iyo dibadba ka sheegay in Itoobiya ay dulaan ku tahay jiritaanka dalkiisa, ayna dooneyso in qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliyeed, maadaama ay heshiis sharci darro ah la soo gashay Maamulka Somaliland.

Heshiiskii Ankara kadib, Itoobiya oo markii hore loo aqoonsanaa cadow ka daran Al Shabaab, ayaa isu beddelay saaxiib iyo dal lala darisoobi karo

Related posts

Fursado shaqo oo ka banaan Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya

admin

Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday Mareykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Gaas oo Eedeyn culus u jeediyay dowlada Federaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---