Gaadiid dagaal iyo Ciidamo lagu wareejiyay maamulka Puntland (Daawo Sawirada)

Ciidamo beeleed iyo gaadiid dagaal oo ku sugnaa magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool ayaa lagu wareejiyay Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Buuhoodle.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa kala wareegay Odayaal kasoo jeeda Buuhoodle 135-askari iyo sidoo kale gaadiid nuuca dagaalka ah ay wataan ciidankaasi.

Ciidamadan lagu wareejiyay Puntland oo ah ciidamo beeleed kasoo jeeda magaalada Buuhoodle ayaa lagu wadaa in ay kamid noqdaan ciidamada maamulka Puntland ee dagaalka kula jira ciidamada Somaliland.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa marar badan ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana wali halkaasi ka jira xiisad dagaal oo u dhaxeeya labada maamul oo isku haya gacan ku heynta gobolka Sool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -