Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku dileen duqeyn shalay oo Khamiis ah ka fuliyeen deegaan 40-km Muqdisho u jira.

Qoraalka kasoo baxay Milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu dilay 12-dagaalyahan oo katirsal Al Shabaab, waxaa sidoo kale warkan lagu sheegay in duqeyntan aysan khasaaro kasoo gaarin dad shacab ah.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sanadkan ka geestay Soomaaliya in ka badan 10-duqeyn oo lala eegtay deegaano ay maamulaan Al Shabaab, waxaana duqeymaha qaar ku dhintay dad shacab ah.

Mareykanka ayaa duqeymo ay wadamo kala duwan ka fuliyeen inta uu xilka hayay Madaxweynaha dalka Mareykanka waxa ay ku dileen boqolaal qof oo shacab ah oo ku kala sugnaa wadamo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -