Xoogaga Xisbullah oo duqeeyay kolonyo ay wateen Ciidamada Yuhuuda & Warar kale

Ururka Xisbullah ayaa weerar ku qaaday baabuur iyo taangiyo ay lahaayeen ciidamada Israa’iil dagaalkii ugu dambeeyay

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay gantaallo la hagayey la beegsadeen baabuur ay wateen ciidamada Israa’iil oo marayey xuduudda Lubnaan, halkaasoo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dadkii saarnaa.

Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay in gantaalka lidka taangiyada laga soo riday Lubnaan meel ku taal Yiftah ee waqooyiga Israa’iil, balse Ma aysan sheegin in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Hezbollah ayaa ku dhawaaqday dhowr gantaal oo kale ay ku weerartay woqooyiga Israel, waxayna intaa ku dartay inay burburisay qalabkii Israa’iil ee ilaalada xadka. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in nidaamkooda difaaca Iron Dome uu ka hortagay diyaarad aan duuliye lahayn oo ka soo duushay Lubnaan.

Waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in Lubnaan ay ku lug yeelato dagaal dhan walba ah oo u dhaxeeya Israa’iil iyo Xisbullah, oo ay taageerayaan kooxaha Falastiiniyiinta.

Intii lagu guda jiray kulan uu la qaatay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, madaxweyne Cabbaas ayaa sheegay in maamulka Falastiin uu ku soo laaban karo awoodda Marinka Gaza oo kaliya haddii “xal siyaasadeed oo dhameystiran” loo helo khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Cabbaas ayaa sidoo kale sheegay in ay waajib tahay in la sameeyo xabad joojin degdeg ah” iyo in gargaarka bini’aadantinimo loo ogolaado in ay galaan Gaza.

Ku dhawaad 20 qof oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israa’iil ay la beegsatay dhowr guri oo ku yaalla xerada Bureij ee bartamaha Gaza.

Tan iyo markii uu dagaalka billowday, tirada dadka ku dhintay deegaannada go’doonsan ayaa gaartay 9,770, oo ay ku jiraan 4,880 carruur ah, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka Falastiin.

- Advertisement -