Allbanaadir.com
NEWS

Labo kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Madaxweynayaasha maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta Soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib Safar Shaqo oo maalmo qaatay ay ku joogeen Magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya.

Maxamed Cabdi Waare iyo Shariif Xasan waxaana Garoonka Aadan Cadde  ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Laba Madaxweyne ayaa intii ay joogeen magaalada Nairobi waxa ay kulamo kula soo qaateen qaar kamid ah Madaxda Ururo iyo Hay’ado caalami ah , waxa ayna kala soo hadleyn sidii loo caawin lahaa maamuladooda.

Maalmaha Soo Socda Ayaa Lagu Wadaa Madaxweyne Waare iyo Shariif Xasan Gaaraan Magaalada Beydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la filayo in lagu qabto shirka golaha Amniga Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas & Israel oo qarka u saaran heshiis xabad joojin ah

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in la dilay sargaal sare oo katirsanaa A Shabaab (Magaca)

Cabdi Cade

Dilal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---