Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Sugaya Amaanka Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray diyaarad gaar ah oo la socdeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ilaaliya Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Ciidamadan oo ku qalabeesan hub kala duwan ayaa magaalada Muqdisho u yimid sidii ay u xaqiijin lahaayeen amaanka Madaxweynaha Jubbaland oo galabta la filayo wafdi uu hogaaminayo in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sida aan wararka ku helnay degi doona dhismo kuyaala agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana amaankiisa si gaar ah u ilaalin doona ciidamada Jubbaland iyo ciidamo katirsan AMISOM.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta galinka dambe la filayaa in uu soo gaaro  Muqdisho, waxa uuna ka qeyb gali doonaa shirka looga hadlayo arimaha doorashada ee u daxeeya DF iyo dowlad goboleedyada, kaa oo lagu qabanayo teenadhada xerada Afisiyooni

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo war ka soo saaray qarax ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Sanbaloolshe iyo masuuliyiin u tagay ciidanka beeshooda ee dagaalka ku jira (Sawirro)

Cabdi Cade

Ukuntii ugu qaalisaneyd abid oo lagu kala iibsaday lacag aad layaabi doonto !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---