Milatariga Somalia oo qabtay rag katirsan Al Shabaab Maxkamadna bur buriyay (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheesan ku qaaday deegaanka Basra ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo dagaalyahanada Al Shabaab ku lahaayeen fariisimo muhiim ah.
Howlgalka oo dhacay shalay galinkii dambe ayaa waxaa lagu bur buriyey fariisimihii Al Shabaab ee deegaanka ,waxaana ciidanku fasaxeen maxaabiis badan oo u xirnaa sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab
 
Sarkaal ka tirsan saraakiisha howlgalka hogaamineysay ayaa sheegay in howlaglka oo saacado socday jab xooggan lagu gaarsiiyey Al Shabaab isla markaana nolosha lagu qabtay tiro dagaalyahano katirsan Al Shabaab.
Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa saraakiisha ciidanka sheegeen in dadkii lagu qabtay uu ku jiro horjoogayaal ajaanib ah oo ay ciidanku soo bandhigeen, sidoo kale waxa ay bur buriyeen maxkamad Al Shabaab ku lahaayeen  deegaanka Basra. 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -