(Akhriso) Siyaasiyiin caan ka ah Puntland oo masuuliyad daro ku eedeeyey Deni

Madasha Siyaasada Puntland oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin ka soo horjeeda Madaxweyne Deni ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Garowe.

Madashan waxaa xubno ka ah Siyaasiyiin Federaalka xilal ka soo qabtay, kuwaasoo ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Puntland, waxaana qeyb ka ah Wasiiradii hore ee arrimaha dibadda Cabdi Siciid Muuse iyo Axmed Ciise Cawad.

Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen iney canbaareeynayaan kana xun yihiin dagaalkaas oo masuuliyadiisa ku eedeeyeen Madaxweyne Deni.

Madashu waxay cambaaraynaysaa dhamaan dhinacyada ku dagaalamay magaaladda, taasoo ahayd mas’uuliyad-darro iyo dhaqan siyaasadeed aanan ka tarjumayn sumcada iyo dowladnimadda Puntland ee 25-sano jirsatay.Madashu waxay marar badan ay xukuumadda muddo xileedkeedu dhamaadka sii yahay ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni hoggaamiyo ugu baaqday, inuu la yimaado hoggaamin  ka turjumaysa isku haynta Puntland iyo in Madaxweynuhu uusan Puntland u horseedin hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid Amni” ayaa lagu yiri bayaanka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA OO DHAMEYSTIRAN

- Advertisement -