Haweeney iska furtay ninka Ugu taajirsan Dunida oo Guursatay Macalin Iskuul (Sawirro)

MacKenzie Scott, oo kamid ah haweenka ugu taajirsan Dunida horeyna u kala tageen ninka xiligan caalamka ugu taajirsan ee Jeff Bezos , ayaa guursatay nin macalin ah oo wax ka dhiga iskuul ay dhigtaan caruurteeda.

Majalada Forbes ayaa sheegtay in Ms Scott, oo hantideeda lagu qiyaaso $ 53bn, waxa ayna haweenedan noqotay qofka 22-aad ee dunida ugu taajirsan halka ay safka hore kaga jirto haweenka dunida ugu dhaqaalaha badan.

MacKenzie Scott, ayaa iska furtay ninkeeda Jeff Bezos oo ah milkiilaha shirkada Amazon, waxa ayna labadan hantiile isku dhaleen afar caruur ah kahor inta aysan kala tagin lamaanahan oo is guursaday sanadkii 1993.

Warbaahinta caalamka ayaa u hadal heysa guurka Ms Scott iyo macalinka seyniska ka dhiga iskuulka ay caruurteeda dhigaan ee Dan Jewett , lamanahan ayaana la sheegay in ay ku faraxsan yihiin noloshooda cusub ayna kunool yihiin guri qaali ah.

MacKenzie Scott, ayaa markii ay dalbatay furriinka ninkeedi hore waxay heshay hanti dhan 35.6bn bilyan oo doollaar, waxayna taas keentay in ay kamid noqoto haweenka adduunka ugu taajirsan iyadoo aanan wax dhib ah u marin helidda hantidaas.

Haweeneydan ayaa qaar badan oo kamid ah hantideeda ku bixisay mashaariic kala duwan oo wax looga qabanayo  waxbvarashada, caafimaadka iyo sidoo kale wax ka qabashada caafimaadka, waxa ay sidoo kale balan qaaday in lacag kale oo badan ay bixin doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -