Amaro lagu soo rogay dadka galaya iyo kuwa ka baxaya magaalada Garawe

Saraakiisha booliiska magaalada Garawe ayaa soo saaray amaro cusub ay ku doonayaan in ay ku xaqiijiyaan amaanka magaaladaasi si looga hortago in falal amaan daro ay magaaladaasi ka dhacaan.

Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, Axmed Maxamuud Cali, ayaa sheegay in dadka galaya magaaladaasi iyo kuwa ka safraya laga doonayo in ay cadeeyaan ujeedka magaalada uga baxayaan una imaanayaan.

Sargaalkan ayaa sheegay in dadka doonaya in magaaladaasi ka baxaan laga doonayo in ay cadeeyaan sababta u baxayaan sidoo kale keenaan dad damiin ah, waxa uu sidoo kale xuseen in dadka soo galaya iyana in sidaa laga doonayo.

Magaalada Garawe ayaa kamid ah magaalooyinka ugu xasiloon deegaanada Puntland, magaaladan ayaana mararka qaar waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo ay geestaan dagaalyahanada hubeesan ee ku sugan deegaanada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -